Barashada Ganacsiga

Farshaxanka ganacsiga iyo Barashadiisa
Xili dhaqalaha caalamku kusocdo xawaare sare barashada xirfadaha ganacsiga ayaa noqotey mid qofwalba u baahanyahay muhiimna u ah ilaa xad hadii uu yahay qof doonaya inuu ganacsi bilaabo,aqoontiisa horumariyo ama hami ay ku hayso inuu hogaan noqdaba, fahamka mabda’a ganacsiga iyo siduu u shaqeeyo ayaana ufuri kara albaabyo badan.
Qoraalkan hoose waxan iskula eegaynaa todobo youtube channel oo waxbadan iga caawiyay ana odhan karo waa kuwa ugu wanagsan marka ay timaado barashada iyo aqoonta ganacsiga.
[1] Y Combinator:
waa channel diiradda saara habka loo bilaabo ganacsiga lona horumariyo kuwa bilowga ah(startup) wuxuna bixiyaa talooyin ku saabsan bilowga,hirgalintiisa,fidintiisa(Business expansion) iyo inad fikradada u heshid maalgalin, hadii aad danaynayso inad ganacsi bilowdo,ama mid bilow ah horumariso xalisidna caqabadaha janaalkan waa ka ugu haboon halkan ka raac: https://www.youtube.com/@ycombinator
[2] Harvard Business Review:
waa madal inta badan lagu barto ganacsiga si gaara xooga saarta maamulida ganacsiga,shaqalaha,caqabadaha iyo si guud dhisida istiraatiyadaha ay ku shaqeeyan ganacsiyada waawayn(Enterprises)
halkan ka raac: https://www.youtube.com/@harvardbusinessreview
[3] Startup Grind:
Waa channel xooga saara so gudbinta sheekoyin iyo qisooyinka ganacsiyada guuleystey iyo aragtiyaha ay ka bixiyeen shaqsiyadka lihi sidii ay ugu guuleysteen ganacsigooda, waxanad ka baran sida loo xaliyo caqabadaha marka xallad ganacsi oo adag ay kuso wajahdo halkan ka raac: https://www.youtube.com/@StartupGrind
[4] Gary Vaynerchuk (GaryVee):
Waa shaqsi xooga saara suuqyant dijitaalka ah(Digital Marketing) Dhisidda Sumadda Shakhsiyeed(Personal Branding) iyo horumarinta baraha bulshada ee ganacsiga( Social Media Strategies)
halkan ka raac :https://www.youtube.com/@garyvee
[5] TED Talks Business:
Waa channel lagu so bandhigo doodo ay qabteen khuburada ugu caansan caalamku iyagoo daboolaya mawduucyo kala duwan sida hal-abuurka, hoggaaminta, iyo isbeddellada dhaqaalaha. Kanaalkani waa mid ku habboon dadka doonaya inay helaan aragtiyo ganacsi oo xiiso leh kuna saabsan fikradaha cusub ee qaabeynaya dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamka ee maanta, Halkan ka raac: https://youtube.com/playlist...
[6] Invest Like the Best:
Haddii aad rabto inaad gasho dunida maalgashiga iyo dhisida kobac dhaqaale, kanaalkani wuxuu bixiyaa aragtiyo qoto dheer oo ku saabsan sida maalgashadayaasha guuleystay ay u fikiraan iyo sida ay fursadaha ganacsi u eegaan. Wana mid ku habboon ganacsatada iyo kuwa raadinaya inay bartaan xeeladaha ganacsiga iyo suuqa
halkan ka raac: https://www.youtube.com/@investlikethebestchannel
[7] Shark Tank:
Waa baramij aad u xiiso badan oo laga sameeyo ganacsato fikradahooda uso bandhigaya koox maalgashadayaal ah oo loo yaqaano(sharks) iyagoo rajeynaya inay helaan maalgelin. Kanaalkani waa mid aad u anfacaya qof kasta oo raba inuu fahmo sida loo soo bandhigo fikrad ganacsi, sida heshiisyada loga gorgortamo, iyo sida loola tacaalo su'aalaha adag ee maalgeliyayaasha kaga imanaya.
halkan ka raac: https://www.youtube.com/@SharkTankGlobal
Skillup Technology
Skillup Technology
